Maamulayaasha Kurdiyiinta Syria ee maamula W/bari ee Netherlands waxay sheegeen inay Dowladda Netherlands ku wareein doonaan 2 Muwaadin oo u dhashay dalkaasi oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ka dagaalami Jirtay qeybo ka mid ah dalka Syria.
Shaqsiyaadkaasi ayaa la filayaa in maanta loo gacan geliyo Saraakiil ka socda Hay’adda Sirdoonka dalkaasi oo maanta tegi doona caasimadda Maamulka Kurdiyiinta Syria ee Al-Qaamishli.
Madaxa Waaxda Xiriirka Dibedda ee Maamulkaasi, C/kariim Cumar waxa uu sheegay inaysan Labada Shaqsi ee ay waree Jin doonaan midna ka mid ahayn Dagaalamayaasha Kooxda Daacish.
Tan iyo markii Kooxda Daacish loo itaal sheegtay waxay Maamulayaasha Kurdiyiinta Syria ka codsanayeen Beesha Caalamka dib-u-celinta Muwaadiniinta Shisheeyaha lagu hayo Deegaanadda ay Kurdiyiinta maamulaan.
Sanadkii 2019-kii, waxa uu Maamulka Kurdiyiinta ku waree Jiyeen Dowladda Netherland labo carruur oo agoon ah oo Hollandese ah oo ay Waalidkooda ku dinteen Dagaalkii Kooxda Daacish iyadoo carruurtaasi dib loogu celiyey Netherlands.