Waxaa faah faahin dheeri ah laga helayaa weerar Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab Gelinkii dambe ee Maanta ku qaadeen deegaanada Basra iyo Daniga Baaloow ee duleedka degmada Balcad G/Shabeellaha Dhexe.
Ciidamo ak tirsan kuwa milateriga Soomaaliya ayaa ku sugan deegaanka Basra waxaana weerarka kadib halkaasi ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ee soo weeraray.
Dadka deegaanka Basro iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dagaalka uu mudo saacado ah qaatay balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Wararka Caawa aan ka heleyno Basro iyo Daniga ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay degan tahay isla markaan weli halkaasi ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda halka Al-Shabaabkii soo weeraray ay dib uga laabteen.
Maalma ka hor ayay aheyd markii ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo aad u tira badan ay deegaanadaasi kala wareegen Al-Shabaab oo Bilihii u dambeysay ku sugnaa, waxaana haatan xaaladu tahay deegaanadii lagu dagaalmay mid deggan.
Wixii dagaalkaas ku soo kordha kala socda radiodalsan.com