Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry waxa u qorsheysan inuu magaalladda Nairobi Kulan mideysan kula yeesho dhigiisa dalalka Kenya, Somalia, Ethiopia, Djibouti iyo Uganda.
War-Saxaafadeed ay soo saartay Kaaliyaha John Kerry ee Arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield ayaa lagu sheegay in Kulankaasi lagu lafaguri doono Taageeradda Dowladda Maraykanka iyo kuwa ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia ee Xilliga Kala-guurka Siyaasaddaa Somalia, La-dagaalanka Alshabaab iyo Horumarka Siyaasadeed ee laga gaaray Xiisadaha ka aloosan dalka Koonfurta Sudan
Dowladda Maraykanka waxay ka mid tahay Dowladdaha taageeradda ugu badan siiya Dowladda Federalka Somalia,gaar ahaan Hawlgalladda lagu soo celinayo Ammaaanka iyo Deganaashaha Somalia.
Somalia waxaa ku soo wajahan Doorashooyinka Muhiimka, iyadoo bisha soo socota la dooranayo Barlamaanka Cusub ee Somalia, halka dabayaaqadda bisha October la dooiran doono Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federalka Somalia.
© Radio Dalsan