Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa saakay ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Galguduud sida warbaahinta dowlada ay baahisay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa inuu furo imtixaanadka dugsiyada sare ee dowlada Soomaaliya oo ay maanta u fariisan doonan arday Soomaaliyeed sida la rajeynayo.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo socdaalka Ra’iisul wasaaraha balse waxa la sheegayaa in uu daba socdo kulamo uu hore gudoomiyaha baarlamaanka ula soo qaatay masuuliyiin ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor