Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacado kooban socday oo xalay Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Buufow Bacaad oo Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Saldhig, waxaana halkaas weerar ku qaaday rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab,
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta Madaafiic Culus oo ay ridayeen Ciidanka AMISOM, kuwaasi oo aan ilaa iyo hada la ogeyn Khasaaraha ay geysteen, waxaana agagaarka Saldhiga Ciidanka AMISOM degan dad shacab ah oo u badan beeraley.
Sidoo kale si rasmi ah looma oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Al-shabaab ayaa xiliyada habeenkii ah weeraro kala duwan ku qaada Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tiran Gobolada dalka, waxaana Al-shabaab weerarkii ugu dambeeyay ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Qalimoow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.