Duqa Muqdisho oo Maanta Booqday waddooyin ay xireen biyaha Roobabkii da’ayay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday qaar kamid Waddooyinka Caasimadda oo uu biyaha dhigay Roobkii da’ay 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa goobihii uu booqday waxaa ka socotay shaqa balaaran oo ay howl wadeenada Dowladda Hoose ee Xamar biyaha uga saarayeen Waddooyinka Muqdisho si Shacabka loogu fududeeyo  isku socodka gaadiidka iyo bulshada.

Goobaha uu kormeeray Gudoomiyaha waxaa kamid ahaa.

1- Wadada hormarta dugsiga tababarka Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ee School Police.

2-wadada 21-October

3-Warta KM-4 ee degmada Waabari

4- Wadada Buula Xubeey ee degmada Wadajir

Gudoomiye Cumar Filish ayaa maamulada degmooyinka gobolka Banaadir  faray in olola xoogan oo Nadaafada iyo bilicda lagu soo celinayo laga qabto Wadooyinka Caasimadda, waxa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada in ay garab istaagaan howl wadeenada Dowlada Hoose Xamar.

Roobabkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayey Magaalada Muqdisho ayaa xiray qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee Caasimadda oo ay dhigeen biyo farabadan, waxaana arrintaaas ay saameyn ku yeelatay gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo maraya waddooyin qardo-jeex oo dhex mara xaafaddaha degmooyinka Gobolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor