Dowadda Federaalka Soomaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqday in ay u gurmadaan Dowladda Suudaan oo dalkeeda ay daadad ku dhufteen, iyadoo barakac iyo bur-bur xooggan uu ka jiro dalkaasi.
Kulan ay maanta yeesheen Goloha wasiirada Xumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana kulanka lagu ansixiyay Hidise sharciyeedyo, iyadoo wax yaabihii looga hadlay ay ka mid ahayd sidii loogu gurman lahaa shacabka Suddan oo haantan la daala dhacaya dhibaatooyin kasoo gaaray daadad ku dhuftay dalkaasi Suudaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u gurmadaan shacabka dalkaasi.
Sidoo kale waxaa ay dowladdu ay tacsi u diratay dadkii eheladooda iyo qaraabadooda ku waayay Musiibooyinka ka dhacay dalkaasi, waxaana ay sheegtay dowladda Soomaaliya in ay garab taagan yihiin shacabka Suudaan.
Dalka Suudaan ayaa waxaa ku dhufatay daadad xooggan oo saameeyay Nolosha bulshada Suudaan, waxaana la sheegay shacabku ay wajahayaan fatahaadihii ugu ba’naa ee dalkaas soo mara muddo ka badan 100 sano.