Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa si weyn looga maqlay dhawaqa ilaa iyo 10 Madaafiic xoogan ah, kuwaasi oo ku dhacay xaafado ku yaalla degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Warar la helayo ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Shangaani, Waabari, Warta-nabadda , Xamar Jajab iyo gooba kale.
Sidoo kale wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Weli si rasmi ah looga oga Khasaaraha ka dhashay madaafiic Caawa jugtooda laga maqlay Magaalada Muqdisho iyo halka laga soo tuuray, waxaana shacabka ku dhaqan Caasimadda ay galeen xaalad jahwareer ah.