Saacadihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Sool ayaa waxaa ka da’ayay roobab mahiigaan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, sida ay sheegaaan wararka aan halkaas ka heleyno.
Roobka ayaa siweyn uga da’ay deegaan lagu magacaabo Dal-yare oo xiga bariga Somaliland, waxaana roobka uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo mid hantiyadeed, iyadoo deegaankaas uu yahay mid dhul beero lay ah.
Ugu yaraan laba ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka ayaa ku geeriyooday roobkii ka da’ay Dal-yare, isla markaana waxaa ku dumay ceel biyoodyo, sidoo kalena waxaa ku baaba’ay beero ku yaalla deegaanka, kadib markii ay ku rogmadeen biyo farabadan.
Beeralayda iyo dadka degaankaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lasoo gaarsiiyo, si looga caawiyo beeraha iyo ceelasha oo uga burburay roobkii halkaas ka da’ay.
Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa ka curtay roobka deyta ah, isla markaana waxaa saacadihii lasoo ka da’ay roobab mahiigaan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.