Xukuumadda Soomaaliya oo meel marisay Hindise sharciyeedyo

Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada.

Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka Musuq-maasuqa,

heshiiska Iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media