Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Gobol ka tirsan dalkaas.
Shilkaan oo ahaa mid gaari ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Gobolka Limpopo Ee Koonfur Afrika, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii gaari uu watay Muwaadinka Soomaaliyeed uu ku dhacay gaari kale.
Allaha u naxariistee Marxuumka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabii jiray Cabdirisaaq Axmad Carab, kaasi oo kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh Goobaha Ganacsi.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal Khasaaro geysta, kuwaasi oo qaarkood ay waxyeelo kasoo gaarto dadka Soomaalida ee halkaas kunool.