Dowladda Somalia oo cambaareysay weerar lagu qaaday goobo shidaal oo ku yaalla Sacuudiga

War-saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkii lagu qaaday shalay subax labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Warka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media