Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la xirayo dhammaan goobaha Waxbarashada ee ku yaalla dalka, si looga hortago faafidda Cudurka halista ah ee Coronavirus, kaasi oo haatan fara ba’an ku haaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasann Cali Kheyre oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu shaaciyay in la xirayo goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Maarso, ayna xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah.
Sababta loo xirayo goobaha waxbarashada dalka ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku sheegay inay tahay ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo qofkii ugu horreeyay ee qaba laga helay Muqdisho, kaasi oo ay dowladda karantiishay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Muwaadiniinta faray in la joojiyo kulamada waaweyn, iyo isku soo baxyada fagaarayaasha.
Dowladda ayaa joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwii kabixi jiray muddo 15 maalmood ah oo ka bilaabaneysa Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Bisha Maarso ee 2020.