Faah faahin:-Rag hubeysan oo Dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed

Koox  Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool halkaas.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Jimaale Bosska, waxaana burcadda ay toogteen xili uu ku sugnaa xaafadda Elsis Magalada Cape-Town ee Koonfur Afrika.

Ragii hubeysnaa ee Burcada ahaa ayaa Goobta ka baxsaday falka dib, waxaana durbo halkaas tegay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka Agdhawaa, iyagoona ka qaaday Meydka Marxuumka.

Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum  Cabdi uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee kunoolaa  xaafadda Elsis Magalada Cape-Town.

Shalay ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday Toorey lagu dhaawacay Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa xaafadda Bredasdorp ee hoostegta Cape Town, isla markaana waxaa boob xoogan loo geystay goobo ganacsi ah oo ay lahaayeen Muwaadiniinta.

Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa dilal loo geystaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2020 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media