Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa xalay kormeer ku tegay Goobo ay dowladda u diyaarisay in lagu karantiilo dadka laga helo Cudurka Coronavirus.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Cumar Finish ayaa goobaha ay kormeerka ku tageen waxaa kamid ah Xarun weyn oo loo qorsheeyay in lagu daweeyo dadka laga helo Cudurka Coronavirus, taasi oo ku taalla Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa kormeer ay ku tageen Isbitaalka weyn ee Martiini oo kamid ah goobaha loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu ku dhaco Cudurka Magaciisa loo yaqaano COVID-19.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin kahor sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u diyaar garoowday sidii ay uga hortegi laheyd Cudurka Coronavirus oo haatan kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo Doollarka mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.