Xoghayaha Difaaca ee dalkaasi, Raychelle Omamo ayaa hadalkaasi ka sheegay mar ay xalay booqatay dhowr qof oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoope oo xalay ka degay Garoonka Diyaaradaha Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.
Dhaawacaasi oo tiradooda dhamayd 7 qof ayaa loo gudbiyey Isbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalladda Nairobi, halkaasi oo lagu daaweyn doono.
Raychelle Omamo waxay sheegtay inay Kenya diyaar la yahay nooc kasta oo Taageero ah oo ay DFS soo codsadaan in laga taageero dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Somalia.
Wxaay kaloo sheegtay inay rajeynayaan in Kenya lagu daaweeyo Bukaano tiradooda dhan tahay 31 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qarixii bishan 14-dii ka dhacay Muqdisho.
Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee Kenya, Â Raychelle Omamo waxay kaloo sheegtay inay Dowladaha deriska ka taageeri doonaan Somalia xilliga Adag oo ay ku jiraan, isla markaana ay Daryeel Caafimaad u fidin doonaan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoope.
Dhalay ayey ahayd markii ay Kenya 11-tan oo daawo soo gaarsiiyey Dhaawacyadda lagu daaweynayo Isbitaalladda Muqdisho.
Sidoo kale, Soomaalida ku nool Kenya waxay bilaabeen inay dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii bilowgii Toddobaadkan ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho