Haweeney Somali-British lagu naanayso Maama Shabaab oo xubin sare ka ah Madaxda Alshabaab

Boliska dalka Britain ayaa shaaciyey inay hayaan xog muujinaysa in Haweeney Somali-British ah oo lagu magacaabo Faadumo Jaamac ka mid tahay Madaxda Sare ee Xarakadda Alshabaab.

Amal Farah oo ah gabar ay dhashay Haweeneyda la sheegay inay ku biirtay Alshabaab ayaa sheegtay inay aad u naxday  markii loo sheegay iney Hooyadeed ka mid tahay Madaxda Sare ee Alshabaab, laguna naanayso Maama Alshabaab.

“Nin iyo haweeney ka tirsan Waaxda La-dagaalanka Argagixisadda ayaa soo garaacay albaabka gurigayga, si ay iigu sheegaan inay hooyadeyda xubin sare ka noqotay Alshabaab” ayey Amal Farah ku sheegtay Wareysiga.

Hay’addaha Ammaanka ee Britain, waxay sheegeen inay Faadumo Jaamac oo 34 jir ah ay  u ambabaxday Somalia sannadkii 2012-kii, kuna biirtay  Alshabaab oo ay ka taageerto qorista Jihafistayaasha ka yimaada  dalalka Reer GalbeedKa.

Amal Farah, waxay kaloo tilmaamtay  inay muddo dhowr maalmood ooynaysay, kadib, markii loo sheegay inay Hooyadeeda ku biirtay Alshabab, laguna naanayso Maama Shabaab.

“Waxaan ka cabsanayaa inaan maalin uun Telefishinka ka daawado hooyadey ama albaabka la ii soo garaaco, si la iigu sheego inay Hooyadey geeriyootay” ayey Amal Farah ku sheegtay Wareysigaasi, oo iyadu snnadkii 2010-kii guursatay Nin Yuhuudi ah oo ay u dhashay labo carruur ah.

Dhinaca kale, Wargeyska Daily Mail oo ka soo baxa London ayaa qoray in  Faadumo Jaamac oo lagu naanayso Maama Shabaab ay guursatay Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab oo aan magaciisa la shaacinin.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor