Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay kasoo horjeedo xeerka saxaafadda ee uu xalay saxiixay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xersi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in xeerkaas ay kasoo horjeedaan, isla markaana aysan ogeyn meel uu Madaxweyne Farmaajo ku saxiixay.
Waxaa uu sheegay Wasiir Cabdullaahi Cali Timacade in Puntland ay leedahay xeer saaxafad oo gaar u ah kana shaqeeyo deegaanadooda, hayeeshee xeerka uu saxiixay Madaxweynaha uusan iyagu quseyn.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa tilmaamay in xeerkaas uusan ka shaqeyn doonin deegaanadooda, isla markaana uu ku egyahay oo kaliya Dowladda Federaalka iyo maamulada kale.
Hadalkaan Wasiir Cabdullaahi Cali Xersi Timacade ayaa waxaa uu kusoo aadayaa’ iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo saxiixay xeerka saxaafadda, Maantana ay soo Bandhigtay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda.