Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefishinka Aljazeera ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, wuxuuna ku eedeeyey inay Alshabaab ka dambeeyeen qaraxaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay in laga yaabo in goobtii uu qaraxu ka dhacay laga helay Faraha Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray inaysan isaga shaki ugu jirin arrintaasi.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay Alshabaab joogitaan xooggan ku leeyihiin Koonfurta dalka Somalia, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay Beesha Caalamka inay taageero ka siiyaan sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay
Si kastab ha ahaatee, ma jirto koox si rasmi ahaan u sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 300 oo qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale.
Dhinaca kale,, Weriyaha Aljazeera , Maxamed Caddow oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa sheegay inay Baarayaasha weli ku hawlan yihiin sidii ay ku ogaan lahaayeen halka laga keenay maadooyinka qaraxa ee loo adeegsaday Qaraxaasi, kaasi oo heerkiisu ahaa Qaraxyada ay Ciiddamadu isticmaalaan.