Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inay doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan Maamulka Hirshabeelle.
Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP106 oo ay afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Mina Xasan Shibis oo mar kale aan isku soo sharaxin kursiga.
Illaa 6 Musharax oo uu ku jiro Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badbaado Qaran ayaa ku loolami doona doorashada kursigaan oo uu tartan adeg ka furan yahay, waxaana doorashada ay saacadaha soo socota ka bilaaban doontaa Magaalada Jowhar, sida uu qorshahu yahay.
Musharaxiinta u tartamaya kursiga HOP106 ayaa waxaa kamid ah Cismaan Maxamed Maxamuud ( Xaadoole), Shadoor Xaaji Maxamuud, Fowsiya Sheekh Cali Maxamuud, Bashiir Maxamed Yuusuf, Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Yaxye Abuukar Aadan.
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaan weli dhammeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana u dhiman oo kaliya saddex kursi, iyagoo horey u soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Magaalada Baladaweyne.