Somaliland waxay musaafurisay labo shaqaale Ajenebi ah oo u dhashay dalka Denrmak oo ka shaqeynayay Hay’adaha DDG iyo DRC kadib markii ay aflagaado u geysteen Shacaa’irta diinta Islaamka . labada shaqalaha ah oo ah nin iyo haweenay ayaa lagu kala magaacaaba David iyo Nekloy.
Haweenayda ayaa aflagaadeysay dareewalkeedii oo tukanaya xili ay ka soo degaysay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, Halka ninkuna uu wax ka sheegy Aadanka salaada.
Maxamed Aaden Qabo wasiirka qorsheynta ee Somaliland oo arrintan shaaciyay waxaa uu intaasi ku daray in go’aanka musaafurinta labadan shaqaalaha ah ay ku qanceen labada Hay’adoodba.
DDG (Danish Demining Group) waa hay’ad baarta miinooyinka iyo halka DRC (The Danish Refugee Council) ay tahay Hay’ad ka shaqeysa arrimaha Qaxootiga , labadaba waxaa laga leeyahay dalka Denmark.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka