Taabid Cabdi oo farriin talo u diray Guddoonka KMG ee Labada Aqal ee Baarlamaanka cusub

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa farriin talo ah u diray Guddoomiyeyaasha KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Taabid Cabdi ayaa Shir Guddoonka guuleysta ee Golaha ula taliyey in ugu horreyn uu la tashi la sameeyo Xildhibaannada, maadaama doorashada Guddoonka ay tahay ciddii guddoomin laheyd isla labbada Gole Baarlamaanka.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku taliyey in Guddoonka guuleysta uu xadido muddada ay Xildhibaannada ku soo gudbinayaan talada Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka  iyo Guddiga lagu dhawaaqayo inuu noqdo mid ku yimid wadatashi

“Haddii sidaa loo wajaho, waxaan kalsooni ku qabaa in khilaaf laga dheeraan karo, wadajirna loo gabagabeyn karo hawlaha qaran. Guushaada waa la harshaa ee durbaba cadceedda laguma gubo” ayuu yiri Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray.

Xildhibaanada labada Aqal ee  Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulankii ugu  horreeyay ku yeelanaya Magaalada Muqdisho, kadib markii khamiistii lasoo dhaafay 14-ka April lagu dhaariyey Teendhada Afisyooni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor