Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal international ayaa waxaa saaka ka degtay diyaarad sida Gargaar Caafimaad oo looga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhan.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Gargaarka Caafimadka ugu deeqday Maamulka Somaliland, waxaana Gargaarka oo isugu jiraa qalab iyo Daawooyin kala duwan oo dadka loogu tagalay.
Wasiirada Caafimaadka iyo Maaliyada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay Gargaarka ay soo gaarsiyeen, iyagoo sheegay inuu kusoo aaday xili loo baahnaa.
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inay diiwaan-geliyeen laba kiis oo ah Cudurka Coronavirus, isla markaana laga helay laba Nin oo ku sugan Magaalooyinka Berbera iyo Burco.
Maamulka Somaliland ayaa wada dadaalo dhowr ah oo looga hortego Cudurka, iyagoo joojiyay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee halkaas tegi jiray, sidoo kalena xiray dhamaan goobaha dadka isugu tagaan.