Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax lagu weeraray Maanta Kolonyo Ciidamo Talyaani ah oo marayay agagaarka Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigg ee Magalada Muudisho.
Dadka Degaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Marka uu qaraxa dhacay Gaadiidka qufulan ay wataan Ciidmada Talyaaniga ee qaraxa lala beegsaday ay rasaas fureen,sial markaana khasaaro uu jiro.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari NOHA ah oo waxyaabah qarxa laga soo buuxiyey,laguna weeraray Gawaarida Ciidamada Talyaaniga ay la socdeen kuwaas oo Ciidamada dowladda ka caawiya dhinaca tababarada.
Qof ka mid ah dadka ku nool, agagaarka Aargada degmada deeyniile oo ah halka uu qaraxa ka dhacay ayaa u sheegay Dalsan in uu arkay dhaawac iyo dhimasho farabadan.
Dhageyso Wareysiga Qofka goobjoogaha ah kana Daawo Sawirrada.