Guddoomiye Shuute oo amray in nolosha lagu qabto dadka dhibaatada ka wada Wanla-weyn

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo iyo dilal xun ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay halkaas.

Guddoomiye Shuute oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu Ciidamada Danab ee ku sugan degmada Wanla-weyn uu ku amray inay nolol ama geeri kusoo qabtaan dadka dhibaatada ka wada gudaha degmadaas ee dadka sida xun u dilaya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa amar ku bixiyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dad kasta oo ku lug leh dagaal beeleedyada maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Degmada Wanla-weyn, kuwaasi oo geystay Khasaaso isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa siweyn uga carooday dhacdooyin xun oo ka dhacay Wanla-weyn, kuwaasi ah ah in qof inta la dilo, kadibna Meydkiisa la gubay, sidoo kalena laga soo duubay Muuqaalo laguna faafiyay baraha Bulshada.

Dagaal beeleeyada halkaas ka dhacayay ayaa salka ku haaya Arrimo la xiriira aanooyin qabiil iyo is qab-qabsi dhinaca maamulka ah, waxaana Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay in si deg dedg ah loo joojiyo Colaadaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media