Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa ay gudaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafadda Barmuud,isla markaana loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Canshuur,kaasi oo xiliga uu dilka ka dhacayay ku sugnaa Nawaaxiga Xaafadaasi ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ragii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in durbo goobta si deg deg ay uga baxsadeen,kadib markii ay fuliyeen falka.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa goob aan sida uga fogen ayaa tegay halkaasi,iyagoo ka qaaday Meydka marxuumka.
Inta badan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheyan,kuwaasi oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dadka shacabka ah ,iyadoona Mas’uuliyadooda ay sheegtan Al-shabaab.