Dhageyso:-Dab ka kacay Kaam ay degan yihiin dad Barakacayaal ah

Dab xoogan oo geystay khasaaro hantiyeed ayaa maanta ka kacay Kaamka lagu magacaabo Midnimo ku yaalla Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir,kaasi oo degan yihiin dad barakacayaal ah.

Dabkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka kacay guri ku yaalla Kaamkaas ay joogeen Caruur yar yar,isla markaana uu ku sii faafay dabka guryo kale oo ku yaallay Kaamka Midnimo,balse markii dambe lagu guuleystay in la damiyo dabkaasi.

Gudoomiyaha Kaamka Midnimo Axmed Colow Cali oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dabkaasi uu dhaawac ka soo gaaray hal ruux,hayeeshee uu ku basbeelay guryo aad u badan oo ka sameysan cooshado,sidoo kale dabka waxaa uu burburiyay hanti ay lahaayeen dadka guryahooda ka gubtay.

Axmed Colow Cali ayaa sheegay in dabka uu kacay kadib markii Guriga ay joogeen Caruurta yar yar lagu karinayay Cunto ay ku jirto Saliid,isla markaana Saliidii dab uu qabsaday,sidaasina uu ku kacay dab xoog leh,balse markii dambe la damiyay.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Kaamka Midnimo Axmed Colow Cali.

 

Comments
Loading...