Dil ka dhacay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa ay gudaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafadda Barmuud,isla markaana loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Canshuur,kaasi oo xiliga uu dilka ka dhacayay ku sugnaa Nawaaxiga Xaafadaasi ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ragii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in durbo goobta si deg deg ay uga baxsadeen,kadib markii ay fuliyeen falka.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa goob aan sida uga  fogen ayaa  tegay halkaasi,iyagoo  ka qaaday Meydka marxuumka.

Inta badan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheyan,kuwaasi oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dadka shacabka ah ,iyadoona Mas’uuliyadooda ay sheegtan Al-shabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media