Kooxo hubeysan ayaa Goordhow Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.
Ninka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Saadaam Maxamed Daahir,waxaana la sheegay in rag bustoolado ku hubeysnaa ay dilkiisa ka dambeeyeen kuwaas oo goobta ka baxsaday.
Weli majirto cid sheegatay dilkaas iyo sababta loo dilay,hayeeshee waxa uu ka mid yahay dilalka inta badan ka dhacay Magalada Muqdisho.
Sidoo kale dilkaan ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Xaafada Albaraka ee degmada Hodan lagu dilay Cabdi Maxamed Cosoble (Cabdi Madoobe) oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.