Kulamo Beesha Shiqaal Ow-qudub ay ku yesheen Magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo iyo Nairobi ayay ku qaadaceen in Xildhibaan C/raxmaan Kuliye Xirsi “ Cabdiraxmaan dheere” oo ka mid ah xubnaha beshaas ku matala Barlamaanka Somalia islamarkaana markale hada doonaya in uu mar kale Barlamaanka kasoo dhax muuqdo, ayeey taasi si buuxda u diideen.
Waxa ay ku edeyeen In uusan xil iska saarin xalinta mushkiladaha beesha dhexdeeda ah iyo hormarinta, deegaanadda Beeshu ay ka degto soomaaliya, gaar ahaan Jubooyinka oo ay shegeen in uusan wax kaalin ah ka qaadan.
Gaba gabadi wax garadka siyaasiinta iyo Aqoon yahanada beesha reer Qudub Shiqaal ayaa go’aan ku gaaray, in uusan mar kale ku metelin Baarlamaaka Soom aaliya, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi “ Cabdiraxmaan Dheere”.
Suldaan sheikh Yuusuf Xaaji Khaliif oo kamida saladiinta beshaas ayaa wareysi uu siiyay Radio Dalsan ku faah faahiyay.
Ka dhageyso halkaan.