Afhayeenka Shirkadda Soma Oil and Gas ee Hawlaha Sahminta Shidaalka ka wada qeybo ka mid ah Xeebaha Somalia ayaa soo dhaweysay Go’aanka ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Xayiraadda Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ku sheegeen inaysan wax caddaymo u haynin Eedeymaha horey loogu sheegay inay Madaxa Shirkadda Som Oil and Gas ee Qaaradda Afrika, Hassan Kheyre uu xiriir la leeyahay Alshabaab.
Qoraal uu Afhayeenka Shirkadda Soma Oil and Gas u diray Wargeyska BuzzFeed News ee ka soo baxa dalka Maraykanak ayuu ku sheegay inaysan la yaabnayn Fashilka Guddiga Baarayaasha ee ay ku heli waayeen caddaymo muujinaya xiriirka ka dhexeeya Hassan Kheyre iyo Kooxda Alshabab.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Kooxda QM horey Xogta been abuurka uga soo xigteen Warbaahin baahisay Warar la dhoodhoobay.
©Radio Dalsan