Dhageyso:-Xiisad dagaal oo Caawa ka taagan Xadka Gobolada Sh/Dhexe iyo Galgaduud

Xiisadaas dagaal oo ka taagan xadka u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo horay u wada dagaalamay.

Wararka ay Dalsan ka heleyso tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ayaa waxa ay sheegayaan in xiisadaas ay ka dambeysay kadib dilal aanooyin qabiil ah oo ka dhacay tuulooyinkaas.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka mid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa ugu baaqay dhinacyada dadka iska dilay in ay xiisada qaboojiyaan.

Waxa uu sheegay in beelahaas oo horay u wada dagaalamay dhawaan lagu heshiisiiyey degmada Matabaan balse waqtigii la geliyey uu haatan noqday mid aan waxba ka jirin,isla markaana uu dalbanayo in xaalada la dejiyo ama ciidan dowladeed la kala dhex dhigo.

Warbixinta Warkaan waxaa Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.

XIISAD COLAADEED OO KASOO CUSBOONAATAY XADKA AY WADAAGAAN HIIRAAN IYO GAL GADUUD & HIRSHABELLE OO BAAQ DIRTAY BY XASAN CABDULLAAHI

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor