Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegay in haatan amniga dalka uu yahay mid intii hore ka wanasgan isla markaana dadaal badan lagu bixiyay.
Waxa uu sheegay in ciidamada amniga ay waqti badan geliyeen sidii ay u xaqiijin lahaayeen Guud ahaan amniga dalka.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ku taageeraan kalana Shaqeeyaan sidii amniga u sugi lahaayeen.
Hadalkaan ayaa Wasiirku waxa uu ka sheegay xili shalay uu ka qeyb galayay Munaasabad lagu soo bandhigay Dhaqanka Soomaaliyeed midka agarka u ah Haweenka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Soomaaliya.