Dhageyso:-Warar ku saabsan dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Ciidamo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa dagaallo goos-goos ah waxay ku dhexmarayaan gudaha magaalada Gaalkacyo.

Dagaalladan ayaa lagu soo warramayaa inay salka ku hayaan muran la xiriira adeegsiga bakhaar ku yaalla bartamaha suuqa magaalada.

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa dhintay, in kabadan 10 kalena way ku dhawacmeen dagaalladan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa ka hadlay dadaalada socda ee labada Maamul iskaga kaashanayaan deminta xiisadaas sababtay Gacan ka hadalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiyaha Gobolka Mudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media