Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maamulka Soomaaliland ayaa maanta kulan xasaasi ah waxa uu la qaatay Golaha Wasiirada Maamulkaas.
Kulankaas oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa intiisa badan looga hadlayay xil wareejinta siilaanyo iyo dhicitaanka Munaasabada Caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Muuse Bixi Cabdi.
Markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxyaabihii ka soo baxay Saxaafada uga warbixiyay Afhayeenka  Madaxtooyada Soomaaliland Huseen Aadan Cige (Deyr)
Hoos Ka Dhageyso Codka AfhayeenkaÂ