Alla ha u naxarariistee, waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo loo yaqaanay Haamaan, kana mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa mudo ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka oo ugu dambeyn u geeriyooday Xanuunkaas.
Waxa uu ahaa taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya,sidoo kalena uu ka mid ahaa 8 Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee lagu soo tababaray dalka Talyaaniga.
Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo loo yaqaanay Haamaan, waxa uu ku dhashay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug Sanadkii 1926,dii sida ay xaqiijiyeen Caruurtiisa
Cabdi Maalik oo qaba Gabadhiisa ayaa xaqijiyay Geeridiisa halka Janaraal  Maxamed Cusmaan Qaadi, oo ah Janaraal dhanka Milateriga ah uu ka sheekeynaya Taariikhdiisa.