Ilaa Safiirada Sideed dal oo ka mid ah Caalamka ayaa waxaa isbedel ku sameeyay Wasaaradda Arriimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Safiiradaan ayaa hayay xilkaan mudo, waxana ay ahaayeen kuwo ay horay Wasaaradda ugu yeertay in ay 30 Cisho Gudahood ku yimaadaan dalka.
Safiirada xilka laga qaaday ee gaaraya Sideeda ayaa waxaa durbadiiba lagu bedelay Sideed kale, waxaana tani ay qeyb ka tahay isbedelka ay sameyneyso Xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa xilka qaadis lagu sameeyay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Jabuuti Mr C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) iyada oo sii haye laga dhigay C/raxmaan Maxamed Hiraabe.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada Isbedelka Safiirada.