War kasoo baxay Wasaaradda caafimaafka xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha caabuqa ee Corona kana jira gudaha Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda caafkmaadka ayaa lagu sheegay in dalka laga helay laba kiis oo cusub oo coronavirus ah isla markaana sheegtay in loo baahanyahay taxadar dheeraad ah.
Labada qof ee laga helay caabuqa Corona ayaa ku sufan magaalada Muqdisho midkood ayaa ah Muwaadin Soomaaliyeed halka qofka kalana uu yahay Ajnabi aan la shaacin dhalashadiisa.
Kiisaska cudurka Coronavirus ee laga helay Soomaaliya aya ah 7 kiis waxaana jira qof ka bogsooday iyada oo ilaa iyo haatan aysan jirin wax dhimasho ah oo uu sababay cudurkaan faraha ba’an ku gaya caalamka oo shan.