Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay weli howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan labada Shabeelle halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa intii ay howlgalkoodii ku jireen waxa ay Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay kula wareegeen tuulooyin dhowr ah oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Ciidamadu u suurtagashay in ay la wareegan deegaanada Janbaluul, Basra, Daniga Baaloow, Buulo Barwaaqo iyo Baqdaad.
Wararka aan hadda heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ay weli ku sugan yihiin tuulooyinkii ay la wareegeen ee labada Shabeelle waxaana taliska ay shaaciyeen in howlgalka uu sii socon doono..
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliye Caanood.