Qarax khasaaro gaystey oo ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistaan

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla magaalada Quetta ee dalka Pakistaan ayaa waxaa ku dhintay 4 qof.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray 11 qof.

Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Pakistan ayaa la tuhunsan yahay in qaraxan lagula beegsaday meel gawaarida la dhigto oo ku taalla huteelka, sida ay wariyayaasha sheegeen.

Safiirka ayaa waxaa uu ku sugnaa magaalada Quetta, ee caasimadda gobolka Balochistan ee ku Taalla xudduuda Afqanistaan, balse markii uu qaraxa dhacayay goobta kuma sugnayn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor