Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu shir Deg-deg ah uga socdaa Guddiga amniga Gobolka Mudug, Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka, iyadoo looga hadlayo arrin halkaas ka taagan.
Warar la helayo ayaa sheegaya in shirkaas looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa xiisad dagaal oo ka taagan Gaalkacyo, isla markaana ka dhalatay, kadib markii rag hubeysan oo maleeshiyaad ay saakay weerar ku qaadeen Madaxtooyada Puntland ee Magaaladaas.
Ciidamo ka tirsan Puntland iyo Maleeshiyaadka hubeysan oo ka ganacsada Maandooriyaha Qamriga ayaa xalay waxaa uu dagaal ku dhexmaray gudaha Gaalkacyo, waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkii xalay iyo saakay ka dhacay, waxaana ku dhaawacmay ilaa lix ruux oo kale oo ay ku jiraan Askar ka tirsan Ciidamada Amniga Puntland.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Magaalada Gaalkacyo, hayeeshee ay socdaan dadaalo lagu doonayo in arrintaas xal looga gaaro.
Taliska Booliska Gobolka Mudug ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday laga dilay hal ruux, iyagoo tilmaamay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhan ah Maandooriyaha Qamriga.