Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta furay kala-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga hadlay dhanka amniga.
Shariif Xasan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xildhibaanada Koonfur Galbeed Shacabka iyo ciidamada dhamaan in ay ka qeyb qaataan sugida amniga si dadka loo badbaadiyo ayuu yiri Shariifka.
Waxa uu sheegay in qaraxyada dalka ka dhaca lagu soo diyaariyo Guryaha iyo Garaashyada dhexdooda dadkuna looga baahan yahay in ay ka digtoonaadaan.
Dadka ku nool Gobolada koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay noqdaan kuwo isku xiran isla markaana ka feejigan dhibaato uu sheegay in ay Shacabka la damacsan yihiin Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Khudbada Shariif Xasan oo dhameystiran.