Maxamed Cabdulalahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo duhurnimadii Maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Uganda.
Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegay Uganda ayaa waxaa ku wehliya Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamanka Soomaaliya.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kambala waxaa Madaxweyne Farmaajo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda.
Caawa ayaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo uu la kulmo dhigiisa dalka Uganda ,isaga oo kala hadli doona sidii Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya uga qeyb qaadan lahaayeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa Maalmaha soo socda sidoo kale booqan doona dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo iyana ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Sawiro