Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya aya shalay oo Sabti aheyd kulankoodii waxa ay ku qaadaceen go’aankii ay xukuumadda Soomaaliya horay ugu wareejisay Dowladda Itoobiya Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Madaxda Jabhada ONLF.
Shacabka oo uu Mikrafoonka la dhex qaaday Wariye Saleeman Xaaji Axmed Raage ayaa waxa ay fikrado kala duwan ka dhiibteyn Go’aankii ay baarlamanka ka qaateen dhiibistiisii.
Qaar ka mid ah Shacabka ayaa waxa ay sheegeen in ay ku taagersan yihiin Go’aanka Baarlamaanka isla markaana ay tahay wax laga xumaado.
Dhanka kale qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in Baarlamaanka laga doonayo in ay soo gudbiyaan Sharciga diidaya Gudbinta Qalbi Dhagax.
Dadka badankood ayaa ka soo horjeeday tallaabadii ay dowladda Soomaaliya Itoobiya ugu wareejisay Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Dadweynaha Muqdisho.