Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey in Maanta uu isku-soo dhiibay dagaalame mudo ka tirsanaa Al-Shabaab,kaas oo ku sugnaa deegaano ka mid ah gobolka Baay.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma,ayaa sharaxay halka uu isku-soo dhiibay iyo waxa uu watey.
“Saakay ayaa waxaa isasoo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo madax u ahaa qeybta Zakawaadka,waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Bashiir isaga iyo hub uu sitay ayuu kala soo baxay Al-Shabaab waana soo dahweynay,haa walal hubka waxa u sitay qoray AK47 iyo booshahskiisa,waxana lagu haayaa goob ay ku sugan yihiin ciidamada Koonfur Galbeed.
Sikastaba marka laga soot ago hadalkan ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka koonfur Galbeed ayaan weli wax war ah dhankooda ka soo bixin Al-Shabaab oo la sheegay in sarkaalkaas uu kas oo goostay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed.