Qarax uu ku geeriyooday Guddoomiye Waaxeed oo ka dhacay Magalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo Gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Xaaafada suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshiid.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu qabsaday gaari uu watey Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid,waxana la sheegay in uu sabababay qaraxa khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxa sheegeen in qaraxaas ay ku geeriyoodeen  Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geedi Farayare iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

Xilliga gaariga uu watay guddoomiye Waaxeedka uu qaraxa qabsanayey ayaa waxa uu marayey inta u dhaxeysa Xaafada Suuqa xoolaha iyo Isgoyska Sos ee Magalada Muqdisho.

Sikastaba Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo inta badan loo geysanayey Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,waxana dilalkaas masuuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media