• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 8, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sawirro:-Wasaaradda Boostada oo daahfurtey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jaamacaddaha dalka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 18, 2018
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa daah furay Adeegga taakuleynta Internet-ka iyo isku xirka Jaamacaddaha dalka iyo kuwa caalamka, munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan oo loogu talogalay in kor loogu qaado tayada waxbarashada sare ee dalka ayaa waxa uu bixin doonaa internet bilaash ah oo ay ka faa’iideysan doonaan xarumaha jaamacaddaha dalka iyaga oo ku xirmaya kuwa dibadda ah si ay ugu fududaato is dhaafsiga cilmi baarista.

Sidoo kale munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Dr.C/raxmaan Daahir Cismaan iyo mas’uuliyiin ka socday jaamacadaha dalka iyo maamulka shabakada waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliyeed (Somali Research & Education Network) ee loo yaqaan SomaliREN

Eng. Cabdi Cashuur Xasan Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ay daddaal ugu jirto sidii looga faa’iideysan lahaa tiknolojiyadda casriga ah oo muhiim u ah nolosha adduunka maanta.

“Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda waxaa ka go’an in ay garab istaagto bahda Waxbarashada, adeegga Internet-kaan waxa uu ahaa Labo qeybood mid waxa aan ugu talo galnay bahda tacliinta sare oo ah midkan aan maanta daahfureyno, waxaana ka horeeyey mid loogu talogelay xarumaha hay’addaha dowladda, ” ayuu yiri Eng. Cabdi Cashuur Xasan.

Eng.Cabdi Cashuur Xasan ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumadda uu yahay in Wasaarad walbo kaalinta kaga aadan hormarka dalka ay u qaadato si dhab ah, taas oo ka miro dhalinteedu ay u muuqato in ay dhowdahay marka la fiirayo halka uu dalku ka yimid, xawaaraha soo kabashada iyo qorshaha xukuumadda.

Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar iyo Dr. Aadan Sheekhdoon Cali oo ka tirsan masuuliyiinta Shabakadda SomaliREN ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada daddaalka iyo garab istaaga bahda waxbarashada, iyaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in addeegan uu wax weyn ka badali karo tayadda waxbarashada sare ee dalka.

Adeeggan Wejigiisa koowaad waxaa ka faa’iideysan doono Lix ka mid ah Jaamacaddaha dalka iyada oo uu qorshahu yahay in la gaarsiiyo dhamaan xarumaha jaamacaddaha dalka oo dhan.

Xaruntan taakuleynta iyo isku Xirka internet-ka Jaamacaddaha ayaa waxa lagu hergeliyey Iskaashiga mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee uu kaalmeeyo Baanka Aduunka iyo Shabakadda SomaliREN.

Previous Post

Daawo:-Xarunta Talo soojeedinta Somaliyeed oo Dowladda u dirtay baaq ku saabsan jidadka xiran

Next Post

Sawirro:-RW Kheyre oo qaabilay Safiirka Hindiya u Qaabilsan Soomaaliya

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Next Post

Sawirro:-RW Kheyre oo qaabilay Safiirka Hindiya u Qaabilsan Soomaaliya

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – Somalia’s Minister of Internal Security, H.E. Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), today received the Ambassador of the People’s Republic of...

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada...

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia wishes to make it unequivocally clear that no military forces have been deployed to the...

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malleeshiyaadka deegaanka ay wadaan dhaqdhaqaaqyo milateri...

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
English News

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
English News

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
  • Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
  • No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
  • Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00