Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Dunida ay ka fikireyso isku filnaanho dhanka Cuntada ah isla markaana dalwaba uu sidoo kale soo saaranayo waxyaabihii dadkiisa ay cuni lahaayeen.
Waxa uu sheegay hadii aad dalkaaga wax ka soo saran weyso waligaa go’aan adan qaadan kartid isla markaana aad ku Shaqeyn doonto amarka kuwa Cuntada iyo waxkasta oo muhiim ah kugu deeqa.
“Runtii hadii ad noqoto qof wax soo saaran waaya ee dad uun wax ka suga waxaad ku xisaabtantaa in dunida kale ee wax soo saara ay wax ku siin doonaan kadibna amarkooda oo kaliya aad ku Shaqeyn doonto ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.
Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxa uu sheegay xili uu ka qeyb galayay Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Cuntada Aduunka taas oo lagu qabtay Muqdisho.