Maalmihii la soo dhaafay waxa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ka socday wadahadalo lagu doonayay in lagu kala qaado Maleeshiyaad maalma ka hor ku dgaalamay Suuqa Bartamaha ee Magaalada Gaalkacyo.
Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Ganacsatda Gobolka Mudug ayaa ku howlanaa xalinta xiisadaas kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii dagaalamay.
Intii uu dagaalkaas socday ayaa waxa uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah iyo in ay sameestaan Dhufeyso ay difaac ka ka galaan.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan iyo gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Abgaaloow ayaa waxa ay siwadajir ah u sheegeen in Maanta laga bilaabo uu suuqaasi furan yahay.
Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Shacabka ku nool Magaalada Gaalkacyo in ay ka qeyb qaataan Nabada gobolka Mudug iyo wada noolaanshaha labada Maamul.
Hoos Ka Dhageyso Codadka labada Gudoomiye kana Daawo Sawirrada.
Xasan Abgalow Gudoomiyaha Gobolka mudug ee Puntland