Xukun lagu riday Rag loo heystay dilal ka dhacay Boosaaso iyo Muqdisho

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo gaba-gebeysay eedaha loo heystay rag lagu eedeynayay in ay dilal ka geysteen Magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay ka tirsanaayeen Kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

Maxamadda Ciidanka qalabka sida ayaa Aadan Maxamed Cali waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah iyada oo ku eedeysay ka mid ahaanshaha kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo ka mid ah Somaliya weeraro dad lagu dilayna ka fuliyay Muqdisho iyo Boosaaso.

Dhinaca kalana Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa sii deysay Cabdi Shakuur Xaaji Barsanji oolagu waayay eedeymihii loo heystay,lana amray in sida ugu dhaqsiyaha badanXabsiga looga sii daayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media